Raggan la toogtay ayaa gaari ay wateen waxa ay si xowli ah ku soo galeen goob uu kulan ka dhacayay waxaana halkaas iskahorimaad hubeysan oo dhex maray labada ruux ee weerarka soo qaaday iyo ciidamo Boolis ah.
Kulankan ayaa ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen dad caan ku ah islaam naceybka waxaana ka mid ahaa waxyaabaha kulankan loogaga hadlayay tartan lagu doonayay in lagu sameeyo kartuun aflagaado ku ah Nabi Muxamad Nabadgelyo iyo Naxariis korkisa ha ahaatee.
Illaa labo boqol oo ruux ayaa ka qeybgashay kulankan iyadoo lagu soobandhigay tartan lagu qaadanayo lacag gaareysa lix kun oo dollar taasoo ah qofkii ku guuleysta sawir kartuun ah oo lagu aflagaadeynayo NNKH.
Lama oga israsaaseyntan dadka kale ee wax ku noqday iyadoo la xaqiijiyay in sarkaal ka tirsan ciidamada Bruce Joiner uu ku dhaawacmay.
Wargeys ka soo baxa dalka Denmark ayaa sanadkii 2006dii lagu daabacay sawiro aflagaado ku ah Nabi Muxamed NNKH, waxaana ka dhashay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo. Horaantii bishii Janaayo ee sanadkan ayaa 12 ruux oo ka mid ah wargeyska Charlie Hebdo lagu diley Paris.