Xasan Sheekh Maxamuud (Garguurte), Madaxweynaha Dowladda Muqdisho ayaa ka xumaaday tallaabada uu C/kariin Xuseen Guuleed, uu kaga horyimid shirka Sabtidii lagu soo gabagabeeyay Magaalada Garoowe.
Dowladdu waxay taageertay in Maamulka Gobolada Dhexe laga dhigo mid hal gobol iyo bar uun ah, xilli la hadalhaayay in laga dhigaayo mid laba gobol ka kooban, iyadoo laga duulaayo Dastuurka Soomaaliya, oo qeexaya in laba gobol iyo ka badan, ay Maamul Goboleed sameysan karaan.
Xasan Garguurte wuxuu kaloo carooday in wareysi aanu waxba kala socon uu C/kariin Xuseen Guuleed, uu siiyo warbaahin caalami ah, isagoo markaasi ku muujinayo sida uu kaga soo horjeedo heshiiskii Garoowe.
C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah Musharaxiinta Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa ka horyimid in Maamulka Gobolada Dhexe loo dhisaayo in laga dhigo hal gobol iyo bar.
Wuxuu sheegay in Dowladda looga baahan yahay inay taageerto rabitaanka bulshada Waqooyiga Gobolka Mudug, haddii ay ka go’an tahay inay ku biiraan Galgaduud iyo Koonfurta Mudug. Guuleed ayaa carab dhabay in Dastuurka Soomaaliya aanu ku qornayn in hal gobol iyo bar, ay noqon karayaan Maamul Goboleed.
C/kariin Xuseen Guuleed oo horey u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumada Muqdisho, ayaa waxaa lagu tiriyaa xubnaha ku dhow dhow Madaxweyne Xasan Garguurte.