Kooxda Southampton ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay heshiis cusub ka saxiixday weeraryahankeeda tayada wanaagsan Jay Rodriguez.
25-jirkan heshiiska uu qalina ku duugay ayaa ka dhigan inuu garoonka St. Mary sii joogi doono ilaa xagaaga 2019.
Jay Rodriguez waxaa siweyn loola xariirinaayay kooxda Liverpool oo qorshaheeda ahaa inay xidigan xagaagan gacanta kusoo dhigto balse haatan Liverpool dalabkeeda dib ayay ula laabatay.
Jay Rodriguez ayaa u saftay kooxdiisa Southampton 76-kulan asigoo u dhaliyay 26-gool balse xili cayaareedkii hore ayuu wacdro dhigay madaama 17-gool ku dhaliyay 40-kulan.
Laakiin nasiib xumo weeraryahanka reer England dhaawacyo is daba joog ah ayaa u diideen inuu xili cayaareedkan kulamo badan kooxdiisa Southampton u cayaaro.
Waxaa intaas kasii xanuun badan in Jay Rodriguez uusan hal kulan Premiership-ka England xili cayaareedkan safanin.
Balse heshiiska ay kooxdiisa ku abaal marisay wuxuu ku faraxsan yahay wuxuuna yiri “Waan ku faraxsanahay heshiiskan cusub sidoo kalena Southampton waa naadi weyn oo haatan hormar wanaagsan sameyneso