Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howllgal ka wada Degmada Tiyeegloow, ee gobolkaBakool, kaasi oo Maamulka degmada uu sheegay in lagu xaqiijinayo Ammaanka deegaanada hoostaga Tiyeegloow.
Gudoomiyaha degmada Tiyeegloow oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in howllgalkaan ay ku baacsanayaan Al Shabaab,islamarkaana ay ujeedadu tahay in ay Ciidamada gaaraan deegaano hor leh oo ka tirsan Degmada si Nabadgalyada loo gaarsiiyo gobolka oo dhan.
Wararka ayaa sheegaya in intii uu howllgalka socday ay jireen Dagaalo ay isaga horyimaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab, oo ay iska dileen Ciidamo, hase ahaatee si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay Dagaaladaasi.
Al Shabaab ayaa wali awood Millateri ku leh gobolka Bakool, inkastoo Degmooyinka gobolka oo dhan ay la wareegtay Dowladda haddana, waxaa wali tuulooyinka hoostaga Magaalooyinkaasi heysta Shabaab oo sidoo kale go’doomiyay meelaha ay gacanta ku heyso Dowladda.