Culuma-udiinka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ay ogaadeen in ay kusoo wajahan yihiin magaaladaasi 50,000 oo qof oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo dib uga soo noqonaya dalka Yeman.
Culuma-udiinka magaaladaas waxa ay sheegeen in dadka tirade intasa la eg gaaraya aysan culeyskooda qaadi karin Maamulka oo kaliya, sidaasi awgeegna loo bahan yahay in la iska garabsado sidii loogu diyaargaroobi lahaa arrinkaas.
Sheekh Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah Culumada Puntland ayaa sheegay in dadkaasi ay isugu soo urureen Mukala, ayna doonayaan in ay soo gaaraan Boosaaso, oo uu sheegay in ay markii hore badankood ay ka tageen.
Puntland ayaa la sheegayaa in ay horay uso gaareen 5,000 oo qof oo kasoo baxsaday Colaadaha Yeman, waxaana 4,000 kun oo ka mid ah waxaa dib loogu celiyay Gobolada ay horay uga yimaadeen.
Magaalada Bosaso ayaa waxaa hadda ku sugan 1000 qof oo ah dadkiiSoomaaliyeed ee kasoo baxsaday Yeman, kuwasoo isugu jira Waayeel,Carruur iyo dadwaawayn,waxaana Culumadu ku baaqeen in Gargaar deg de g ah lala soo gaaro dhibanayaashaas.