Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku hanjabay in uu xiriirka u jarayo Dowladda Soomaaliya, hadii aan laga laaban ama raali galin laga bixin mooshin Xildhibaanada Dowladda dhexe ay ka gudbiyeen Barlamanka Jubba.,
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulkaasi, Mudane C/qaadir Luga Dheere ayaa Gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Jawaari, ka codsaday in uu raali gelin ka bixiyo mooshinka, kaas oo ku saabsanaa sharci ahaanshaha barlamaanka Jubba.
C/qaadir Luga Dheere ayaa sheegay in hadii aan laga hortagin mooshinka inay joojinayaan wada shaqeynta Maamulkooda uu la leeyahay Barlamanka Dowladda dhexe, waxa uu sheegay in ay qalad tahay in la faragaliyo waxa uu ugu yeeray dad aayahooda ka tashaday.
Barlamanka Jubba ayaa la dhisay , iyadoo Beelo badan ay ka cabanayaan hanaanka awood qeybsiga, Dowladda iyo Beesha Caalamka ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay Barlamankaasi.