Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in uu isaga baxay Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ka soconaya Magaalada Cadaado.
Afhayeenka Maamulkaasi Careys Maxamed Xaaji oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in sababta ay uga baxeen Shirka ay tahay, faragalin ay sheegeen in dowladda ay ku heyso Shirka iyada oo u olaleeneysa shaqsiyaad gaar ah.
“kadib markii aan yeelanay Kulan ayaa gaarnay go’aankaan, Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dooneysa in ay qeybiso wax waliba, ma aqbaleyno Dad diyaarado lagu keenay oo ay wadato Dowladda, anaga waxaan dooneynaa in Dadka Deegaanka loo madax baneeyo rabitaankooda” ayuu yiri Afhayeenka.