Dawladda Maraykanka ayaa ka mamnuucday dhammaan shirkadaheeda duulimaadka inay isticmaalaan Garoomada diyaaradaha Soomaaliya, kadib markii loo arkay inay halis uga imaan karto weeraro ka yimaada kooxda Al shabaab.
Wasaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa dalka Soomaliya ku dartay liiska wadamada ay haboon tahay in laga feejignaando Garoonadooda diyaaradaha.
Afhayeen u hadlay wasaaradda oo lagu magacaabo Peter Gibson ayaa sheegay in go’aankaan uu sabab u yahay cabsi laga qabo in Al Shabaab ay afduubaan Diyaaradaha.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Weerarada waxa loogu yeero argagixisada ee Muqdisho inay yihiin kuwo joogto ah, islamarkaana lagu bartilmaameesan karo ajaanibta ku sugan dalka.
Waxaa intaas lagu sii daray inay Al-Shabaab haystaan hubka lidka diyaaradaha, kaas oo awoodi kara in lagu bartilmaameedsado diyaaradaha kasoo dagaya Muqdisho iyo kuwo ka duulaya.
Warbixin ay soo saartay hay’ada maamaulka hawada Maraykanka, ayaa lagu sheegay in ay Al-shabaab soo rideen sanadkii 2007 diyaarad nuuceedu yahay IL-76 aircraft, iyagoo isticmaalayay madaafiicda lidka diyaaradaha.