Wadayaasha Mootada loo yaqaano Bajaaj, kuwooda ka shaqeeya Magaalada Muqdisho, ayaa manta shaqo joojin sameeyay, kadib markii sida ay sheegeen loo diiday inay isticmaalaan Waddooyin ay ka mid tahay, Waddada aada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Gudoomiyaha Iskaashatada gaadiidka Bajaajta ee gobolka Banaadir, Mahdi Faarax ayaa wareysi uu siiyay Mustaqbal, waxa uu ku sheegay in Ciidamada Dowladda ay u geystaan jirdil, islamarkaana ay u diideen isticmaalka Waddooyinka, arrintaasi oo uu sheegay in aysan la qabin gaadiidka kale.
Mahdi Faarax ayaa sheegay in shaqo joojintaan ay ku muujinayaan dareenkooda, isaga oo ugu baaqay Madaxda Dowladda inay si degdeg ah wax uga qabtaan baahidooda.