Wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa lagu magacaabay gudoomiyaha gobolka Baay .
Wareegtadan oo ku taariiqeysaneyd 4/6/2015 ayaa gudoomiye loogu magacaabay gobolka Baay kadib markii xilka laga qaaday gudoomiyahii hore ee gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow.
Gudoomiyaha gobolka Baay ayaa waxaa loo magacaabay C/rashiid Cabdullahi,oo ah nin dhalinyara aqoon yahan ah.
Cabdi Rashiid Cabdullahi ayaa ku magac dheer LFC, ayado shacabka gobalka Baay aad usoo dhoweeyen magaabista gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobalka Baay.
Warbixin Maamulka Cusub Ee Gobolka Baay Iyo Kan Degmada Baydhabo Maxamed Baydhabo