Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu si rasmi ah uu xilka kaga xayuubiyay Gudoomiyihii Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow iyo midkii Degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed (Biikole).
Shariif Xasan ayaa Gudoomiyaha Gobolka Baay waxa uu u soo magacaabay C/rashiid C/laahi Maxamed, halka Gudoomiyaha Degmada Baydhabo uu u magacaabay C/laahi Cali Maxamed (Watiin).
Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Shariif Xasan ayaa xilalka looga xayuubiyay xubnahaasi, laguna soo magacaabay xubnaha kale. Waxaana Wareegtada Warbaahinta u akhriyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Seddaxda Gobol, C/raxmaan Ibraahim Aadan (Sate).
Shariif Xasan ayaa galabta hadal ka jeediyay munaasabad loogu talla galay in looga dhawaaqo magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo midka Degmada Baydhaba.
Shariif Xasan ayaa ku waramaaya in magacaabidda xubnahan ay kuwii hore kaga duwan tahay, iyadoo kolkii hore ay wax soo magacaabi jirtay Dowladda Muqdisho, balse guusha ay gaareen ay tahay, in maanta Maamulkii deegaanka uu soo magacaabaayo xubnihii Gobolada iyo Degmooyinka.
Waa markii ugu horeysay oo Shariif Xasan uu Gobol u magacaabo dadkii u dhashay halka kol sii horeysay uu Gobolka Shabeelaha Hoose u magacaabay dad aan u dhalan oo kasoo hayaamay Gobolada Dhexe.
Hoos Ka Dhageyso Shariif Hasan Sheekh Aadan