Xaflad ka mid ah xafladaha ugu qiimiga badan dunidan ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Chur ee dalka Switzerland maalintii shalay sabtida ahayd taariikhduna ku beegnayd 13.06.2015 Xafladdan oo ahayd xaflad tartan Quraan aqris abaalmarino iyo shahaadooyin lagu kala gudoonsiinayey arday tartamayaal ah islamarkaana lagu maamuusayey soodhawaynta bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ka soo qaybgalay martisharaf arday waalidiin fara badan lab iyo dhaddigba isugu jira kuwaa oo ay ka muuqatay shacaacirta iyo haybadda lagu yaqaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqma diinta Islaamka. Goobta Xafladdan lagu dhigay oo ay agaasinkeedu lahaayeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Graubunden kana dhacday masaajidka Chur xarun goboleedka ayaa lagu furay bilowgeeda aayadaha Quraanka Kariimka qawlkii Eebbe iyadoona ay garsoorayeen tartankan adag macalimiinta dugsiga Salaaxudiin 1:-Macalin Deeq Axmed Xuseen. 2:-Macalin Maxamed SHiikh Cali. 3:-Macalin Caamir Maxamed Caamir. iyo 4:-Macalin Axmed Xasan ayaa waxaa baratan dheer kadib kaalimaha ugu horeeya kala galay ardada magacyadoodu kala yihiin :- 1:-.Maxamed Mowliid. 2:-Xuseen Cali. 3:Anas Jamaal. 4:-Xamse Cabdillaahi, iyo kaalinta shanaad oo ay gashay ardayadda la yiraahdo Sihaam Cabduqaadir Xasan. Abaalmarinada ama jaa’isooyinka kolkii la bixinayey ayaa la arkayey waalidiin farabadan oo farax isjiiray kuwaa oo wajiyadoodu ka muuqatay masuuliyad gudasho waalid dareen dadaalka mirihiis arkaya, sido kale xafladdaasi intii ay socotay waxaa ka hadlay mid ka mid ah gudiga masaajidka Salaaxudiin Axmed Jarmal kaaso ku nuuxnuuxsaday dadaalkii iyo juhdigii la soo gelshay iyo hawshii laga soo maray ardada iyo masaajidka taaso uu ku tilmaamay soo gaaridda ay heerkan kitaabtu soo gaadhay inay ku timid amar Alle ka sokow dhabar-adeeg iyo dulqaad wayn waqti la gelshay dugsigan iyo ardadiisa in lagu tacliimo diinta samaawiga ee loo soo dhiibay nebi Maxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkii ha ahaatee habeen iyo maalinba. Masjidka Chur dugsi dacalku kaga yaal lagu magacaabo Salaaxudiin ayaa casharo lacag la’aan Quraanka Kariimka ah loogu dhigaa laguna baraa caruurtata Muslimiinta ah waxaana arintaasi waqtigooda iyo maalkooda hor Alle u horay dhallinyaro Soomaaliyeed oo u istaagay inay badbaadiyaan ubadka muslimiinta ah ee ku nool qurbaha macalimiintaaso ardada siiya xitaa tarbiyada Islaamka taaso muujinaysa in raggani ay fulinayaan dardaarankii nebi Maxamed faafinta risaaladii lala soo diray isagu una dardaarmay axad walba ka mid ah ummaddiisa inuu sii wado cs hawshaasi. Ugu dambeyntii xafladdan ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u heer sareeya waxaana lagu soo xiray gabangabadii aayaadka Quraanka kariimka iyadoo ardada iyo martisharafku farax xadhaaf ah laga dheehanayey dhabanadooda. Soomaalida ku nool gobolka Graubunden ayaa waxaa loo tiriyaa inay yihiin kuwa ugu fiican dhanka isku xirnaanta iyo wadajirka wax-wada-qabsiga marka loo eego jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kale ku kala nool 25 ka gobol ee kale waddanka Switzerland walow aan looga aamin qabin inuu fara ba’an uu ku hayo cudurkii Soomaaliyaba kala daadshay ninkii ragga ahaa qabiilka la qabyaaladeeyey.