Addis(W.K.G.S)-Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sharlif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan gaar ah magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya kula yeeshay
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Manam Desalegn, iyo Wasiirka Arimaha Dibadda itoobiya Mr.Tedros adhanom
Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada waddan iyo ammo kale
00 gobolka ku saabsan.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulankaasi waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Ethiopia doorka ay ka qaadaneyso nabadeynta Guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaan
Gobolada KG Soomaaliya iyo sidii amniga gobolka loo sugi lahaa.
Ra’siiul Wasaaraha Itoobiya Haile Manam Desalegn ayaa isna mar kale uga mahadceliyey Booqasha Wefdi KG Soomaaliya ay ku yimaadeen Dalka Itooboiya, isagoo dhanka kalena ku amaaney dowlada Curdunka ah Fe Koonfur Galbeed
Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto xashinta Degaanada KG Soomaaliya iyo Guud ahaan taagyeenda Geeda Socodka
Nababada Soomaaliya. Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimah dalka
Itoobiya Tedros adhanom iyo mas’uuliyiin kale oo soctey, Urur Goboleedka IGAD.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardar’gahn lahaa how’galada ay sida wada jirka ah uga wadaan ciidamada dowlda Somaaliya 00 kaashanaya ciidamada dalka Itoobiya qaybo ka mid ah Gobolada
Soomaaliya, Gaar ahaan 3 Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Sharlif Xasan Sheekh Aadan iyo Raisul Haile Mariam
Desalegn ayaa isla gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa calaaqaadka labada wadan, ayna ka wada
shaqeeyaan mashruucyo fududaynaya wax soo’saarka labda shacab Ee Itoobiya iyo KGS, sida dhismaha
wadooyinka iyo biya galinta Degaanada KGS.
Warbaahinta Konfur Galbeed Soomaaliya Adisi Sababa ETHIOPHIA