Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya sababta keentay qarax maanta ay dad badan ku nafwaayeen oo ka dhacay bartamaha Baydhabo.
Sida uu xaqiijiyay taliiyaha ciidanka booliska gobolka baay, qaraxa ayaa ka dhashay gacan kahadal dhexmaray askari ka tirsan ciidanka amaanka iyo qof shacab ah.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in askarigu madaxa kaga dhuftay bambo furan qofki shacabka ahaa ee ay is dagaaleen. qaraxa iyo rasaas ay fureen ciidanka amaanka oo u heystay in iyaga la weeraray ayaa sababtay inay dhintaan sida goobjoogayaal sheegeen ilaa 6 qofood.
Agaasimaha isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa sheegay in agtooda la geeyay meydka 4 ruux iyo dhaawaca 22 qof. 10 ka mid ah dhaawacyada ayaa daweyn ka dib guryohooda loo celiyay halka inta kale ay weli jiifaan isbitalka. 3 ka mid ah dhaawocoodu wuu daranyahay.
Askarigi riday bamka ayaa hadda xiray sida uu sheegay taliyaha ciidanka booliska gobolka Baay.
Wixi warar ah oo kale gadaal ayaan idinkala socodsiindoonnaa.
Halkan ka dhagayso wareysiyada Taliyaha ciidanka booliska gobolka Baay iyo kan Agaasimaha Isbitalka Baydhabo oo qaraxa ka hadlaya.