Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Muqdisho uu dilay ila Shan Ruux islamarkaana uu dhaawacay ilaa 22 kale.
Askariga ayaa Dilka u Adeegsaday Bam Gacmeed uu ku tuuray Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in Askariga wax dilay ay Dagaalameem Askari kale,waxaana uu intaa ku daray Taliyaha in Askariga Dilka geeystay uu Bamka Madaxa uga garaacay Askari kale,kadib Markii Bambada ay Gaanjada ka fuqdayna uu tuuray sidaana ay Dadka ku dishay.
Taliyaha Booliska Gobolka Baay ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadii meesha joogay ay Rasaas badan fureen,iyagoo mooday in Bamka lagu soo tuuray,taas oo geeysatay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Dhacdadaan ayaa si weyn uga badalan kuwii ka dhici jiray Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.