Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Saaka waxaa Gacanta ku dhigay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM,kuwaas oo dagaal la’aan Degmada kula Wareegay.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Qeybo kamid ah Magaalada galeen,kuwaas oo doonaya in ay isku Fidiyaan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Sargaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed oo qeyb ka ah Howlgalka laguna Magacaabo Ibraahin Yuusuf ayaa WNN u sheegay in Al-shabaab aysan ugu tagin Magaalada oo ay ka baxeen.
Waxaa uu sheegay Sargaalka ka tirsan Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed in ay doonayaan in Magaalada ay gudaha u sii galaan si loo hubiyo Amaankeeda.
Degmada Diinsoor oo Al-shabaab u aheyd Magaalo Muhiib ah ayaa waxaa ay qabashadeeda imaaneysaa xilli Labo Maalin ka hor Ciidamada Huwanta ah ay la
Wareegeen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.