Ciidamada huwanta ee howigalka ka wado gobolada Bay. Bakool iyo Gedo ayaa waxa ay La wareegeen degmada Labaatan jirow ee gobolka Bay ayada 00 Lagu soo waramayo may inta badan dadkii magaalada iskaga bara kaceen.
Wararka ay helayso Warbahinta ayaa waxa ay tilmaamayaan in diyaaradaha dagaalka dowlada Itoobiya ay duqeymo ka gaysteen deegaanadii ay ku barakaceen dadkii ku dhaqnaa degmada Labaatan jirow ayada 00 ay dad rayid ahna ku dhinteen duqaymahaasi.
nin oday ah 00 caan ka ahaa magaalada Labaatan Jirow laguna magacaabi jiray Sheekh Xasan Dheere ayaa kamid ah dadkii ku dhintay dagaalka lagula wareegay Labaatan Jirow ayada 00 Lasoo sheegayo in taangi La dul marsiiyay mootada Loo yaqaano bajaajta 00 UU saarnaa.
Dadka lagu laayay Labaatan jirow ka sakow, ayaa waxaa sidoo kale dad lagu laayay deegaanka Dalandoole ee isla gobolka Bay lnkastoo uu maamulka Koonfur Galbeed beeniyay In dad lagu laayay Dalandoole.
Dhanka kale, waxa uu dagaal xoogani ka socdaa deegaanka Haabare iyo deegaanada ku dhow dhow 00 ah dhul kayn ah islamarkaasna ay gabaad ka dhiganayaan dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.
Dagaalka ayaa lagusoo waramayaa may ka qayb qaadanayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopters-ka loo yaqaano.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala socco WARBAHINTA KONFUR GALBEED SOOMAALIYA haduu Illaah idmo.