BAYDHABO–(WSR)-Maxamed Cali Ameerika oo ka Hadlay Xafladii Xalay Loogo Qabtay
Madaxtooyada Maamulka Kumeelgaarka ah Konfur Galbeed Soomaaliya oo lago siiyay sha haado sharaf
Madaxweynaha Maamulka 3Gobal Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa Xalay casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Baydhaba gaar ahaan Madaxtooyada maamulka 3 gobal Koonfur Galbeed soomaaliya , Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur Ameriko oo casuumad u ka helay Maamulka Koonfur Galbeed u tagay Halkaasi.
Kulankaan casho sharafta ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Maamulka Koonfur Iyo Madaxda Maamulka Gobalka Baay iyo waliba qaar ka mid ah ururada Bulshada Rayidka.