Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa Xalay casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Baydhaba gaar ahaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur Ameriko oo casuumad u ka helay Maamulka Koonfur Galbeed u tagay Halkaasi.
Kulankaan casho sharafta ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Maamulka Koonfur Iyo Madaxda Maamulka Gobalka Baay iyo waliba qaar ka mid ah ururada Bulshada Rayidka.
Waxaa hadalka furay Gudoomiyaha Gobalka Baay oo sheegay in aay aad ugu faraxsan yahiin in u baydhabo yimaado Safiirki Hore Soomaaliya, u fadhiyay Dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Ameriko oo lagu xasuusto wax qabad wanaagsan ayuu yiri Gudoomiyaha Gobalka Baay Rashiid C/laahi Maxamed (LFC)
Sido kale waxaa goobta ka hadlay wasiirada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, oo dhamaan hadal soo dhoweyn ah goobta ka wada jeediyay ayaga ku amaanay safiirka intuu xilka haayay siduu ugu soo dhalaalay.
Kulanka Casho Sharafta ayaa waxaa barbar socday Bilad sharaf Dhaqameed la gudoon siiyay Safiirka Hore Soomaaliya, iyo alaabaha hidaha iyo dhaqanka aay Soomaalida caan ku tahay Taasi u gudoonsiiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan.
Ugu Danbeyn Safiirkii Hore Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo Asna ka hadlay Munaasabada ayaa wuxuu ugu mahad celiyay sida wanaagsan ee quruxda badan baydhaba loogu dhoweeyay iyo waliba hadiyada qaaliga ah ee la gudoon siiyay taaso ka turjumaysa hidaha iyo dhaqanka Suuban Soomaaliyeed.
Danjire Ameeriko oo ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa mudadii uu xilka hayay waxaa lagu xusuustaa waxqabad muuqda, isagoo dadaallo aan hagar lahayn u galay sidii Soomaalida dalkaasi ku dhibaateysan loo caawin lahaa.
Safiirka ayaa dhawaan Magaalada Kismaayo waxaa bilad sharaf ku gudoon siiyay Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.