Baydhaba-WSR–Maanta waxa uu madaxweynaha maamulka 3gobal Koofur Galbeed soomaaliya , Shariif Xasan Sheekh Aadan, magaalada Baydhabo uga dhawaaqay in ay odayaasha dhaqanka Koofur Glabeed soomaaliya muddo 30 maalin ah kusoo xulaan xubnaha baarlamanaka Koofur Galbeed soomaaliya .
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu ka codsanayo in ay soo xulayaasha baarlamaanka maamulkiisa ka jawaabaan codsi haweenka ka yimid haweenk ah in xisaab fiican laga siiyo baarlamaanka Maamulkaas.
Goobta looga dhawaaqay soo culista baarlamaanka maamulkaas waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Odawaa, Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabadi Afey iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan kuwa maamulka baarlamaanka sameysanaya ee Koofur Galbeed soomaaliya
madaxweynaha Maamulka 3Gobal Koofur Galbeed soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo kale oo quseeya maamulkiisa iyo tabashada dadka ka soo jeeda gobolka ee dhismaha xubnaha Baarlamaanka Mamaulka KMG ah ee Koofur Galbeed soomaaliya .