Guddiga doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay maanta soo xirantay araaji qabashadii musharaxiinta doorashada Madaxweynaha, taasoo dhici doonta maalinta Sabtida ee soo socota.
Guddiga ayaa sheegay in afar musharax ay isku soo hareen, kuwaasoo soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, waxaana Guddiga uu shaaca ka qaaday in maalinta sabtida ee taariikhda tahay 15 Agosto ay dhici doonto doorashada.
Sidoo kale waxaa musharaxiinta afarta ee isku soo haray ay kala yihiin Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Cismaan Xuseen Xaaji Feyruus, Hilowle Adan Maxamed iyo Maxamed Cismaan Yuusuf.
Waxaa durbababa la saadaalinayaa inay u badan tahay in doorashadan ku guuleysanayo Axmed Madoobe, maadaama la sheego inuu wax ka soo dhisay Xildhibaanada, isla markaana aanay musharaxiinta la tartamaya saameyn laheyn.
Dhinaca kale olole xoogan ayaa ka socda magaalada Kismaayo, waxaana musharaxiinta afarta ay yihiin kuwo durbaba loolan ugu jira kasbashada Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana dadka reer Kismaayo ay dhegaha u taagayaan doorashadan.