Wasaarada gaashaandhiga dalka Turkiga oo looga bartay soo saarista sanad kasta hub casri ah gaar ahaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikopter-ka loo yaqaan ayaa mar kale waxeey soo bandhigteen diyaarado dagaal oo durbadiiba la geeyay xuduudaha dalkaas.
Dowlada Turkiga oo ka mid ah wadamada safka hore kaga jira soo saarista Diyaaradaha casriga ee dagaalka ayaa inta badan wuxuu hubkiisa ka iibiya wadamada Islaamka ah sida Carabta , Maleysia iyo Indonesiya .
Diyaaradahaan cusub ee uu soo saaray Turkiga ayaa waxaa la geeyay xeryo Milatari oo ku yaala xuduuda Turkiga uu la wadaago wadanka Siiriya oo xaaladiisa aad u qasan tahay .