Baydhabo(WSR)-Gudoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada mudane Cabdullaahi Cali Watiin ayaa uga furay magaalada Baydhabo 25.08.2015 tababar ku aadan xalinta qilaafaadka gudoomiyayaasha xaafadaha Baydhabo, ururka haweenka iyo ururka dhalinyarada degmada Baydhabo.
Tababarkaan oo ay maalgelinaysay hay’ada TIS/DAI ayaa waxaa ka faa’iidaystay dadka ka qaybgalay si ay qayb uga qaataan xalinta qilaafaadyada iyo weliba nabad kusoo dabaalida degmada Baydhaba iyo guud ahaan gobolka Bay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Tababarka ayaa ka furmay xarunta tababarada ee Tanaad training Conference waxa uuna kusoo aaday xili ay bulshada Baydhaba aad ugu baahnayd ayada oo uu gudoomiyaha degmada Baydhabo mudane Cabdullaahi Cali Watiin soo xiray siminaarka.