Baydhaba–(WSR)–Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya GEN: Maxamed Seekh Xasan Xaamud iyo Taliyaha Booliska Amison ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee Xaruuntaa gobalka baay,waxaana Wafdiga Taliyaha garoonka diyaaradaha international Shaadti Gaduud ee Baydhaba ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gen Maxamed Seekh Xasan Xaamud iyo Saraakisha Amison ee safarka ku wehlineysa ayaa markii ay gaareen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxay kormeereen qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Boliiska ee magaakada Baydhaba sida saldhiga Boliiska ee degmada iyo kan gobolka, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Boliiska iyo AMISOM ee halkaasi jooga.
Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa taba bar u furay ciidan 2000 laba boqol askari ah magaalada baydhaba,Tababarkaan ayaa waxaa iska kashanaaya UN iyo AMISOM
DHAGEYSO CODADKA