Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Howgal amaanka lagu sugayo ka sameeyay degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Gudoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay Weydow Cali ayaa sheegay intii Howgalka ay wadeen ku soo qabteen shaqsi looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab.
Howlgalka ayaa ciidamada intiisa badan waxay ka fuliyeen gudaha iyo deegaanada duleedka ka ah degmada Bardaale ee gobolka Baay,waxaana Ciidamada oo iskaashanaya si feejigan u geliyeen xaafadaha sida uu gudoomiye Weydow uu shaaca ka qaaday.