Kooxo hubeysan ayaa Caawa Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ku toogtay Nabadoon Isaaq cali Maxamed oo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Kofur galbeed Soomaaliyeed.
Dilka Nabadoonka ayaa waxaa fuliyay Kooxo hubeysan oo tirro ahaan lagu qiyaasay ilaa Seddex ruux kuwaasi oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay Dabakaayo madow oo ka tirsan Degmada Dharkiinley, waxaana la sheegayaa in Nabadoonka goobta laga qaaday isagoo dhaawac ah, kadibna uu u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray rasaasta.
Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Nabadoonka uu yahay dhaawac islamarkaana yaalo mid kamid ah xarumaha Caafimaadka, waxaana jiro warar is khilaafsan oo dilkaasi kasoo baxaayo.
Dilkaani ayaa daba socda dil aroortii saakay ka dhacay Degmada Wadajir kaasi oo loo geystay Liibaan Cismaan Cilmi, oo adeer uu ugu aadan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo nin kale oo la socday, laguna magacaabi jiray C/qaadir Maxamed Yabarow. Yabarow waxa uu ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda Somaliya.