Deegaanno ka mid ah gobalka Bakool waxa ka da’ay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, xilli deegaanadaasi ay ka jirtay Biyo la’aan baahsan.
Deegaanada sida xooggan uu roobkaan uga da’ay waxaa ka mid ah xurud iyo celberde iyo dhamaan tuulooyinka hoosi yimaado oo dhan , oo maalmihii ugu dambeeyay dadka ku dhaqan ay biyo la’aan ka sheeganayen degaano qaar ka mid ah gobalka bagool.
godumiye-kuxigeenka hudur oo u waramay warbahinta Konfur Galbeed Soomaaliya iyo radio warsan, ayaa sheegay in shacabka ay aad ugu farxeen roobabkaasi, islamarkaana aany jirin wax saameyn ah oo roobka reebay.
“Ilaah baa mahad leh, dhibaato badan ka dib waxaa inoo da’ay roob dadku ay ku diirsadeen, waxay dadka u diyaar garoobayaan in beerahooda beertaan, ma jirto saameyn uu nagu yeeshay roobkaan” ayuu yiri gudoomiyaha ku xigeenka xudur.
Roobka xilliga deyrta ah ayaa ka billawday deegaanno ka mid ah gobalada dalka,