Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira labada golle ee Dowlada ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaa si diiran garoonka diyaaradaha Magalaada Baydhabo ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka KMG Ah Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga lasocda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna halkaasi kulan kula leeyihiin Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuyliyiin kale oo katirsan Maamulkaasi.
Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan xiran wadooyinka muhiimka ah ee Magaaladaasi,waxaana qeybo badn oo Baydhabo kamid ah lagu arkayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.
Kadib makii ayaa soogaareen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa khudbad dheer ka jeediyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed soomaaliya Shariif xasan sheekh aadan iyo sidookela Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hadaba ila dhageysta khutbadihii ay jeediyeen labada Madaxweynaha.