Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw waxa uu gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba, waxaa madaxweyne Xasan Sheekh kusoo dhaweeyay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Safarka madaxweynaha uu ku tagay magaalada Baydhaba ayaa ahaa mid aan horay loo sii shaacin, iyadoo uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaaladaasi.
Amaanka Magaaladda Baydhaba Ayaa Aad Loo Adkeeyay Waxaanna Wali Ciidamadda Amaanka lagu arkayaa Wadooyinka Muhiimka ah Ee Magaaladda.
Waxaa La Filayaa in Saacadaha soo socda Uu Kulamo kale la galo Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed iyo Waxgaradka Kale ee Koonfu Galbeed.
Deegaanada maaamulkaasi waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay ka taagnaa khilaaf ku aadan Xulista Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Oo Lagu marunsanyahay Habqeybsigiisa.