Wafdiga ayaa kulamo ay la qaateen madaxda maamulkaasi kadib waxaa ay deeq lacageed oo $12 milyan oo doollar ah ku wareejiyeen maamulka Koofur Galbeed taas oo lagu qabanayo Mashaariic lagu taageerayo in ka badan 200,000 oo qof oo ah dadka danyarta ah ee ku nool halkaasi.
Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee maamulka Koofur Galbeed Cabdi Naasir Caruushe oo kulanka kadib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed ay isla hubin doonaan hanaanka loo adeegsado lacagtan iyo in lagu qabtay wixii loogu talagalay.
Waxaa uu Midowga Yurub uga mahad celiyay deeqda lacageed ee ay ugu talagaleen dadka dan yarta ah ee ku nool maamulka Koofur Galbeed.
Sidoo kale,madasha lacagta loogu deeqayay Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya waxaa goob joog ahaa Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya C/rashiid Cali Sharmarke iyo Waliba Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan Ceynte,kuwaasi oo hadalo kooban ay jeediyeen ku amaanay Howsha Midowga Yurub ee Soomaaliya ka hayo.
C/raxmaan Ceynte Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in lacagta $12 milyan ee ku aaday maamulka K/galbeed Soomaaliya loogu magacdaray ubabac dhigida aafooyinka,waxaana si gaar ahaa lacagtaasi loogu talagalay in wax loogu qabto dadka inta badan u nugul dhibaatooyinka sida Carruurta iyo Haweenka iyo dad kale ee daruufaha kala duwan dhanka nolosha heystaan.