Bulshada Rayid ah ee Puntland iyo Wufuud ka socotay beesha caalamka oo shalay kulan ku dhexmaray magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland.
Bulshada Rayidka ah ayaa qoraal u gudbiyey ay ku diidan yihiin nidaamka 4.5 Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Danjire. Micheal Keating.
Saxaafadda oo banaanka ka joogtay kulanka ayey bulshada rayidku si toos ah ugu cadeeyeen Wufuudii beesha caalamka ka socotay ineysan qaadaneyn nidaamka 4.5.
Bulshada Rayid ah ayaa sheegay iney doonayaan in Doorasho sax ah lagu geli karo nidaamka degmooyinka laguna saleeyo aqalka hoose ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale qoraalka ayaa beesha caalamka looga codsaday iney dhexdhexaad ka noqoto arrimaha dalka Soomaaliya isla markaana aysan taageerin go’aamada dhinacayada siiba Madaxda Soomaaliya.
Beesha caalamka ayaa taageertay qaabka doorasho ee 4.5 ,waxayna sheegeen in qaabkan uu yahay mid xiligan lagu jiro Soomaaliya uga gudbeyso marxalada doorasho ee sannadkan.