Taliyaha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Wuxuu Digniin Adag udiray Askarta Lacagaha Ka Qaada Gawaarida Ka Shaqeysa Magaalada Baydhabo Wuxuu Sheegay iney Jiri Doonaan Howlgalo Askartaas Lagu Baacsanayo.
Ibraahim Macalin Kutub, Taliyaha Ciidanka Koofur Galbeed ayaaa sheegay in dhawaan ay billaabi doonaan howlgal ka dhan ah Ciidamada Isbaarooyinka dhigta iyo kuwa u gacan taaga Gaadiidleyda ee ka qaata Lacaga sharci darrada ah.
Waxaa uu sheegay Taliye Kutub,in ay Xabsiga dhigi doonaan Askarigii lagu arko isaga oo Lacag baad ah weydiisanaya gaadiidka Dadweynaha ee ka shaqeeya Baydhaba.
Dhanka kale waxaa uu sheegay taliyaha in ay billaabayaan howlgal ka dhan ah Isbaarooyinka oo lagu baabi’inayo Isbaarooyinka yaalla Magaalada Baydhaba ee ay Ciidamada Maamulkaasi lacagaha uga qaataan Gaadiidka Shacabka.
Guddiga Amniga Maamulka Koofur Galbeed ayaa dhawaan sheegay in ay billabayaan fulinta sharci ka soo baxay iyaga oo ahaa in lala dagaallamo Isbaarooyinka iyo Xarakada Al-shabaab.