dagaal khasaaro geystey oo ka dhacay deegaanka buulo xaawo iyo degmada bardaale,
Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Bay iyo deegaanka buulo xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab ay halkaasi ku dagaalameen.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee dagaalamay inkasto oo taliyaha beeniyey arintaasi.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maalmihii udambeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka wadeen deegaanada iyo degmooyinka gobolada Bay iyo Bakool iyo Gedo.