Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa Magacabaay Guddiga Doorashada maamulkaasi ee heer gobol oo ka kooban 8 xubnood, waxaana guddiga oo loo qeybsaday qaab beeleed lagu saleeyay beelaha dhisay maamulka Galmudug.
Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyada Guddiga la Magacaabay.
Liibaan Axmed Xasan
Bashiir Xaaji Cabdulle
Yuusuf Diiriye Maxamud
Cabdicasiis Cabdulle Nuur
Xuseen Sheekh Axmed
Aadan Absuge Guure
Sahro Maxamed Maxamud
Roodo Xasan Sheekh Cali Salaad
Guddigan ayaa qaabilsan maamulka Doorashada xildhibaanada aqalada hoose iyo kan sare ee xubnaha laga soo dooranayo maamulka Galmudug oo ka dhici doonta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.