Wasiirka Amniga Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa si kulul u eedeeyey Ciidamada dowladda Federalka ka dib markii maanta ay ka baxeen Magaalada Marko Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiir C/fataax Geeseey ayaa sheegay in maleeshiyaadka Dowlada Soomaaliya maanta ka baxay magaalada Marka ay xiriir dhow iyo wadashaqeyn la leeyihiin Alshabaab.
C/fataax Geesey ayaa ku nuux nuuxsaday in maleeshiyaadka dowladda Federalka ay shacabka magaalada Marka u geysan jireen Dhac, Kufsi, Dil iyo tacaddiyo kale.
Sidoo kale, Wasiir C/fataax Geeseey ayaa sheegay in Dowlada madaxweyne Xasan Sheekh uu maamulka K/Galbeed ka hortaagan yahay in ciidamo deegaanka ah uu ku wareejiyo caasimada gobolka Sh.hoose isla markaasina la nabadeeyo degmada Marka iyo guud ahaan gobolka Sh.hoose.
Halkan Ka Dhageyso