Ankara(WRB)
Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ka hadlay Afgambiga fashilmay ee Millateriga dalkiisa ay la damacsanaayeen inay ku sameeyaan guud ahaan dalkaasi Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka soo muuqday telefishin gaar loo leeyahay isaga oo ay ku hareereysan yihiin taageerayaal badan kuna sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.
Wuxuu ku hanjabay kuwa isku dayay inay sameeyaan Afgambiga fashilmay ee dalkiisa ka dhacay inay wajahi doonaan ciqaab adag oo Dowladda ay kala kulmaan.
Waxa uu intaa ku daray in hadda loo baahan yahay “nadiifinta ciidanka qalabka sida ee dalkaasi”.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay inta badan gacanta ugu jirto dowladda kadib markii ay qeyb ka mid ah milateriga sheegeen in ay la wareegeen xukunka dalka.
Waxaa hadda hawada dib ugu soo laabtay telefishinka ay dowladda leedahay ee TRT, kaasoo ay ciidanka gadoodsan ka jeediyeen fariintooda.
Shacabka dalka Turkiga ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin afgambigaasi dhicisoobay ee dalka Turkiga lala damacsanaa.
W/Q;Wariye Siidcali Muse Maxamed (Ateera)