Goof-gaduud shabeelow(WRB)Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa waxa ay howlgallo culus ay ka wadaan deegaanka Goof-gaduud oo ka tirsan gobolka Bay.
Deegaanka Goof-gaduud ayaa waxaa Sedex maalin kahor ku dagaalamay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaas, waxaana ay sheegeen in 15 Askari oo ka tirsan Dagaalyanahada Shabaab in ay ku dileen dagaalkaas.
Maamulka deegaanka Goof-gaduud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada Sedexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ka socdeen deegaankaasi.
Maamulka deegaanka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in howlgaladan balaaran lagu xaqiijinayo amaanka, islamarkaana looga hortagayay falalka amaan daro ee ka dhaca Goof-gaduud Oo Katirsan gobolka Bay.
Ugu dambeyntii maamulka deegaanka Goof-gaduud ayaa waxa ay shacabka ka dalbadeen in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago falalka amaanka lidi ku ah.
W/Q;Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)