Kooxda Juventus ayaa sidii la wada sugaayay si rasmi ah u dhameestirtay saxiixa daafaha tayada wanaagsan Medhi Benatia.
Medhi Benatia oo 29-jir ah una dhashay dalka Morocco ayaa dib ugu soo laabtay Serie A-da Talyaaniga kadib markii 2-sano oo qarow ah uu kusoo qaatay garoonka Allianz Arena.
Medhi Benatia wuxuu noqday laaciba sedexaad oo ay xagaagan kooxda Juventus lasoo saxiixato waxaana magaalada Turin kaga soo hooreeyeen xidigaha kala ah Miralem Pjanic iyo Dani Alves.
Medhi Benatia ayaa heshiis amaah ah kaga soo biiray Juventus naadiga Bayern Munich waxayna kooxda reer Talyaani heesataa fursad ay si toos ah milkiyadiisa daafacan ula wareegi karto bartamaha sanadka dambe 2017.
Medhi Benatia oo horey ugu soo caayaray kooxda AS Roma ayaa labo sano ka hor ku iibsatay €26 million naadiga Bayern Munich balse haatan Juve ayaa amaah ku qaadatay waxayna Juve bixin doontaa €3m marka kowaad.
Hadii Juventus ay dooneyso inay heshiiaka Medhi Benatia ka dhigto mid joogto ah waxay bixin doontaa €17m ayay Bayern ku wareejin doontaa bisha May ee sanadka dambe.
Medhi Benatia mudadii labada sano ee uu Bayern Munich ka tirsanaa wuxuu kula guuleestay labo jeer Bundelsigaha sidoo kalena 46-kulan ayuu u saftay wuxuuna u dhaliyay 3-gool.
Balse wuxuu dib ugu soo laabtay Serie A-da Talyaaniga oo ah horyaalka xidigan ka dhigay inuu ka mid noqdo daafacyada qaarada Yurub ugu wanaagsan.