Wararkii ugu dambeeyay ee dhinaca Talyaaniga ka imaanayo ayaa sheegayo in weeraryahanka la isku heestay Gonzalo Higuain uu haatan heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Juventus.
Sida ay xaqiijiyeen Sky Italia iyo Sportmediasat Gonzalo Higuain ayaa heshiis 4-sano ah la gaaray kooxda Juventus waxayna mushaar ahaan usiin doontaa €7.5m sanad walbo.
Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu sheegay in Juve ay naadiga Napoli si toos ah kala xaajoon doonto qaabkii xidigan looga iibin lahaa ayadoo diyaar la noqon doonto lacagaha €94m ee Higuain qandaraaskiisa lagu jebin karo.
Juve qorshaheeda kowaad wuxuu yahay inay dhigeeda Napoli ku wareejiso ama heshiiska Higuain ku qaadaneyso qayb ka dhigto xidigaha kala ah Simone Zaza, Daniele Rugani iyo Stefano Sturaro.
Sky Italia wuxuu leeyahay hadii dalabka kowaad ee Juve gudoomiyaha Napoli Aurelio De Laurentiis diido waxay Juventus si toos ah u bixin doontaa lacagaha €94m xidigan qandaraaskiisa lagu bur burin karo.