Chelsea ayaa qarka u saaran inay heshiis 30 milyan ginni ah kula soo wareegto xiddiga kooxda Leicester City N’Golo Kante, waxaana sidoo kale isku diyaarinaya inuu Leicester City ka tago Riyad Mahrez.
Xiddiga khadka dhexe ayaa la filayaa inuu maanta tijaabada caafimaadka maro ka dib markii ay Blues heshiis ka gaartay saxiixiisa islamarkaana ay heshiis kula gaartay xiddiga Faransiiska heshiis shan sanno ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 120 kun ginni.
Kooxda hanatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore ayaa dhabarjab kale wajaheysa iyadoo Riyad Mahrez uu sidoo diyaar u yahay inuu iska diido heshiis cusub oo uu isbuucii ku qaadanayo 100 kun ginni.
Waxa uu doonayaa inuu Kante kula biiro bixitaanka King Power taasoo haatan dhegta u taagtay kooxaha Arsenal iyo Barcelona oo xiiseynayay xiddiga reer Algeria.
Chelsea ayaa rajeyneysa inay dhameystirto saxiixa Kante oo ay ka dhigaan saxiixoodii labaad ee xagaagan.