WRB:Ciidanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalkooda si gaar ah uga fuliyey ilaa iyo afar xarun oo la sheegay in ay Xarumo u ahaayeen Al-Shabaab.
AMISOM iyo ciidanka dowlada ayaa howlgalkaasi ku qab qabtay ilaa iyo toban ruux oo looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, sida AMISOM ay sheegtay.
Saraakiisha ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa kulan la qaatay odayaasha deegaanka iyo qeybaha bulshada, iyadoo sidoo kale ciidanku dadka deegaanka ay u qeybiyeen daawooyin.