WRB:Dawladda Giriiga ayaa sheegtay inay xirtay sideed askari oo dalkeeda ku soo gashay diyaarad millatari oo ah kuwa qumaatiga u kaca ah, taasoo ku soo dagtay magaalada Alexandroupolis oo ku taalla waqooyiga dalkaas, iyagoo codsaday magangalyo siyaasadeed.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in dawladdiisu ay waydiisatay in loo soo celiyo askartaan lagana aqbalay.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Black Hawk Helicopter ayaa waxay ku degtay Garoon ku yaalla magaalladda Aleskandarupo, kadib markii uu Duuliyiha soo dirsaday Fariin Qeylo-dhaan ah.
Telefishinka Giriiga ee ERT TV ayaa shaaciyey in todoba ka mid ah dadka la socday diyaaradda ay wateen dareyska Ciidamada, lana rumeysan yahay inay qeyb ka ahaayeen Ciidankii ku lugta lahaa Afgembigii Fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga.
Wakaalladda Wararka Athens ayaa sheegtay in Saraakiisha Turkiga ee soo galay Giriigga ay darajadoodu kala ahayd Gaashaanlayaal, Kabtano iyo Saddex Aliflayaal iyo qof rayid ahaa oo dayuurada wax ka soo raacay.