WRB:Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Turkiga in uu xaaladda dejiyo, ka dib isku-daygii afgembi ee dhicisoobay Jimcihii shalay ahaa, kaasoo dhaliyay in xukuumadda Ankara ay dad badan qabqabto.
Dowladda ayaa xirtay kumannaan ka tirsan milateriga Turkiga oo ay uga shakisan tahay in ay ka dambeeyeen afgembigaasi fashilmay.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkiga in ay sharciga raacdo marka ay baaritaanka ku samayneyso isku-daygaasi afgembi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in eedeymaha ah in Maraykanka uu ku lug lahaa isku-daygaasi ay dhibaato u geysan karaan xiriirka labada dal ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo kula hadlay taageerayaasho oo isugu soo baxay dibedda hore ee dhismaha baarlamaanka, ayaa Maraykanka ugu baaqay in uu usoo gacan geliyo Fethullah Gulen, oo uu ku eedeynayo in uu ka dambeeyay afgambigii dhgicisoobay.
Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa isku-daygaasi afgembi.