WRB: Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Valencia Andre Gomes sida lagu qoray jariirada ka soo baxda Madrid ee AS.
Los Blancos ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe dhawaan, waxaana la filayaa inay sarre u qaadaan doonistooda xiddiga reer Portugal ka dib markii ay dib uga dhaceen tartanka xiddiga Juventus Paul Pogba.
22 jirkaan ayaa Portugal u ciyaaray koobkii Euro 2016, waxaana uu durbaba dalabyo ka helay kooxaha Juventus iyo Chelsea.
Madrid ayaana u aragta xiddig muhim u noqon kara khadkooda dhexe, laakiin waxa ay tartan adag kala kulmayaan kooxaha tababare Luis Enrique ee Barcelona.
Los Che ayaa ku dooneysa xiddigaan 65 milyan euro laakiin iyadoo ay ku dagaalamayaan labada kooxood ee ugu waa weyn Yruub, waxa ay ku heli karaan lacag intaas ka badan haddii ay tartan siiyaan dalabyadooda.