Ka dib markii kulankii labaad dhulka lala tumey kooxdii ka socotey maamulka Koonfurgalbeed soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya eedeymo loo jeedineyo gudiga ciyaaraha ee horkacayay kooxda maamulka.
Kooxda meteleysey maamulka koonfurgalbeed ayaa maanta guurdaro kala kulantey koox ka socotey maamulka Puntland waxaana kooxda koonfurgalbeed laga dhaliyay 4 gool ayagoona waxba dhalinin, waxaana sidoo kale kooxdaan guuldaro ku soo heshey kulankii ay la ciyaareen xulka Banaadir ayadoona looga badiyay kooxda koonfurgalbeed 5 iyo waxba.
Gudoomiyaha jaaliyada dalka jarmalka Mubaarak Macalin maxamed oo la soo xariirey Maaxiye Cabdinur oo ah madaxda website-ka gaarsiye.com adna wakiilka warbaahinta koonfurgalbeed gaar ahaan radiyow warsan iyo wadaninews24.com ayaa u sheegay in qaabkii loo soo xuley ciyaartoyda wax badan ay ka qaldanaayeen isla mar ahaantana lagu soo koobey ciyaaryahnada Baydhabo oo keliya sida hadalka u dhigey gudoomiye Mubaarak.
Halkaan Hoose Ka Daawo Muqaalak