WRB:Saraakiil uhadashay dowladda Kenya ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rigths Watch, taas oo ku aadaneyd in Boliiska dalka Kenya ay 34 Qof oo shacab ah ay Afduubteen oo ilaa iyo hada aan la ogeyn halka dadkaasi ay ku maqan yihiin.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in warbixinta ay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rigths Watch ay tahay mid been abuur ah oo Booliska dalka Kenya ay arintaasi ku kici karin.
“waxaan xaqiijinyaa in warbixintan ay soo saartay Human Rigths Watch ay tahay mid been abuur ah oo la doonayo in Booliska dalka Kenya sharaftooda meel looga dhaco, laakiin ciidamadeena aysan arintaasi ku kici karin” waxaa sidaasi yiri Afhayeen uhadlay dowladda Kenya.
Dhowaan ayay aheyd markii Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ay ciidamada amniga ee Kenya ku eedeysay in ay mas’uul ka yihiin in la waayo dad gaaraya 34 Qof Labadii sano ee lasoo dhaafay.
Dadkan ayaa la waayey sida ay Hay’addu sheegtay xilli ay socdeen hawlgallo liddi ku ah argagixisada oo ay Human Rights Watch sheegtay in ay la socdeen tacadiyo ka dhacay magaalada Nairobi iyo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Warbixinta ay soo saartay Human Rights Watch waxay ugu baaqday dowladda Kenya in ay soo af-jarto xadgudubyadaasi, islamarkaana baaritaan lagu sameeyo dadka la waayey iyo kuwa la khaarajiyey.