WRB:Kulanka ugu horeeya ee tababare Sam Allardyce ee xulka England ayaa waxa uu ka horimaan doonaa xulka Croatia 1da bisha September.
Madaxda xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa u diyaariyay tababaraha cusub kulan saaxiibtinimo oo ka dhacaya Wembley seddex maalmood ka hor inta aysan England ciyaarin kulankooda furitaanka ee isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Slovakia.
Steve McClaren oo shaqada xulka England ku garaacday Allardyce toban sannadood ka hor ayaa la ceyriyay ka dib guuldarro ka soo gaartay Croatia taasoo keentay inay Three Lions waayaan booskooda Euro 2008.
Tababare Allardyce ayaa maanta lagu soo bandhigi doonaa St George’s Park ka dib markii shaqada loo gacan geliyay isagoo bedelay Toy Hodgson oo iscasilay markii uu ku fashilmay tartanka Euro 2016.
Kulankii ugu horeeya ee tartan rasmi ah waa kulanka furitaanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay Slovakia la ciyaarayaan 4ta bisha September.
Big Sam ayaa doonaya inuu kala danbeynta ku soo celiyo xiddigaha Three Lions ee ku soo fashilmay tartankii ugu danbeeyay ee ka dhacay France, waxaana la sheegay inuu doonayo in Wayne Rooney uu sii ahaado kabtankiisa.