WRB:Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la xaqiijiyey in ay maanta soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan ciyaarta Finalka Tartanka maamul goboleedyada dalka oo dhexmari doonta Xulalka Puntland iyo Jubbaland.
Kulankan oo ay ku balansanaayeen Maamul goboleedyada Jubalabnd iyo Puntland ayaa lagu waday in la ciyaaro maanta oo Isniin ah 25 July, waxuuna xiriirka sheegay in la ciyaari doono Talaadada oo ay taariikhda ku beegan tahay 26 July.
Xariirka Kubadda Cagta ee Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u sheegay in dib loo-dhigey ciyaartan, oo laga dhigay Talaadada ka dib codsi ay ka heleen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo codsaday in ay labada dhinac arki doonaan.
Maalinta Talaadada ah ayaa la filayaa in finalka Tartanka maamul goboleedyada dalka la soo gaba gabeeyo, waxaana isag hor imaan doona kooxaha Puntland iyo Jubbaland.