WRB:”Jidhkayga qaybta hoose waa qabow”
Waxaa uu ahaa nin qaadka si xad dhaaf ah u isticmaala,waxaa uu ku noolaa waddanka Soomaaliya, ninkan ayaa magaciisa waxaa la odhan jirey Ducaale waxaa uu ahaa nin dhallinyaro ah, shaqo
fiicannna muu hayn, dhallinyarada ay saaxiibada yihiin ayuu qaadka la cuni jirey.
Habeen habeenada ka mid ah ayaa isagoo saaxiibadii la fadhiya (Goobaha qaadka lagu cuno) ayaa uu aad u mirqaamay waxaa uu cunay qaad aad u farabadan.
Ninkii ducaale ayaa mirqaan daraadii hadal laga waayey, markasta oo qaadku ka dhammaado haddana uu ku ceshodaa. Wakhtigu wuxuu is guraba oo uu sii siqo dhinaca habeenka.
Dhallinyaradii ayaa midba mar kacay oo uu dhinaca gurigiisa u sii kacay, balse Ducaale waxay is-raaceen laba ka mid ah dhallinyaradii ay marfashaka ku wada qaylayeen.
Nasiib darro ninkii Ducaale waxaa uu ka kacay macawiistii uu xidhnaa, dhallinayaradii ayuu iskala socday, isaga oo aan xidhnayn wax macaawiis, balse xidhan garan yar oo cad.
Markay in badan socdeen ayuu ninkii Ducaale yidhi “Niyoow dhulku
caawa waa qabow”, Dhallinyaradii mid ka mid ah ayaa waxaa uu
yidhi “Oo maxaa kugu dhacay, oo aad dareentay!!”. Ducaale ayaa
yidhi “Jidhkayga qaybta hoose waa qabow”
W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)