Lafeey(WRB)Dagaalyahano looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa burburiyay bir anteeno isgaarsiineed oo ku taalay deegaanada Lafey iyo Fina oo hoos yimada degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Taliyaha deegaanka Lafeey Bosita Omukolongolo ayaa warbaahinta u sheegay in falka lagu burburiyay Isgaarsiinta deeganadaasi ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.
Anteenada ayaa la sheegay in ay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Taliyaha ciidamada Booliska Deegaanka Lafey ee dalka Kenya Bossita Omukolongo.
Taliyaha ayaa sheegay in uusan si dhab ah u xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay iska hor imaad dhexmaray ciidanka ammaanka iyo sidoo kale dagaalyahanadii burburinayay biraha isgaarsiinta deegaanada Lafeey iyo sidoo kale Fino ee dalka Kenya.
Dhawaan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay burburiyeen Anteenooyin ay laheyd shirka isgaarsiinta Safaricom ee dalka Kenya.